SAT - THURS: 08:00AM - 20:00PM

FRIDAY - CLOSED

+25263098298

Contact Us For Help

Sh.Ahmed Salam, Kuwait

Borama Somaliland

dhiig la’aanta xiliga uurka

| Dr.Samah Mohamed

Dhiig yarida xiliga uurka waxa lagu qeexaa marka ay hemoglobintu ka yartahay 11mg/dl
Dhiig yarida xiliga uurka waxa ay ku badantahay wadamada soo koraaya ( developing countries), waana mushkilad hadii la dawayn waayo waxyeelo ku reebta hooyada, ilmaha , iyo dhalmada
Maxaa keena? Waxa ugu badan ee keena waa ironta oo hooyada ku yaraata , taas oo ka imanaysa baahida ironta oo badata madaama ilmahana aw u baahanyahay iron si loo soo saara fetal hemagolbin

Calaamada lagu garto dhiig yarida:

– Hiiraag marka ay hooyadu socoto ama wax qabanyso
– Wadnaha oo qaraactama
– Hooyada oo tabcaan dareemta
– Dawakhaad
– Madax xanuun
– Marka la eeg o hemoglobin oo ka yaraato 11mg/dl

Sidee looga hortagi karaa:

– Hooyadu uurka ka hor wa inay ka taxadirtaa dhiig yaraanto

– Hooyadu inay cunto cunooyinka ironta laga helo sida hilibka, kalyaha, beerka, wadnaha, costa, spinach , legumes iyo wixii lamida

– Hooyada uurka leh waa in ay iska check graysa hemoglobinta visit kasto ooy dhakhtarka ama MCH ay tagto

– Haduu hemagobin ka yartahay 11mg/dl in ay qaadato iron supplements ay dhiigana dib u check garayso saddex week ka dib

– In hooyadu qaadato vitamins iron ku jirto haday ka shakido dhiig la’aan dhakhtarkeegana laxidhiidho.
Saamaynta ay ku yeelanyso ilmaha iyo hooyada:

– Ilmaha waxa ay ku keenta in uu miisaan yar ku dhasho( low birth weight)

– Ilmuhu in uu caloosha ku soo dhinto( still birth)

– In hooyada dhiig bax ku dhaco xiliga dhalmada

– Hooyadu waxay halis u tahay in ay nafteeda ku waydo

– Hooyada oo foolata ayadoon sagaalkii bilood dhamaysan

  • Share this:

Related article