SAT - THURS: 08:00AM - 20:00PM

FRIDAY - CLOSED

+25263098298

Contact Us For Help

Sh.Ahmed Salam, Kuwait

Borama Somaliland

Maxaa sababa gastric?

| Dr.Muna Mohamed

Waxa Keena Kara waa kuwan:
1. Infectionka ku dhaca caloosha oo ay keento bacteria da loo yaqaan H pylori.
2. Daawoyinka: diclofenac, ibuprofen, aspirin Iyo kuwa kale oo isku group ah loona aqaan (NSAIDS). Hadaba daawooyin kan oo garaaca loo qaato hadii la isticmaalo, bilaa qiyaas taasna dhibaato ay kaynaysaa.
3. Sigaarka isna diraasaad Baa lagu Arkay in dadka Sigaarka caba on aa gastric u nugulyihiin.
4. Cuntada milixda ku badantahy .
5. Hadi qofka uu ku dhacay xanuun aad difaaca jidhka u ridaya amba xanuun serious ah.

Calaamada ha lagu arko qofka leh:
1. Labxada oo xanuunta.
2. Laab dilaac/jeex/olol.
3. Dibiro caloosha.
4. Appetite ka oo hoos u dhaca.
5. Yalaalugu amba Matag.
6. Matag Dhiiga.

Sidaa darteed waxaan talo dhakhtar soo jeedinaynaa:
1. Cuntada in milixda badan laga yareeyo.
2. In daawooyinka bilaa qiyaasta uuna dhakhtar kuu qorin Ana la qaadan, siiba daawooyinka nooca NSAIDS (diclofenac, ibuprofen, aspirin, naproxen).
3. In infection ka bacteria caloosha, daawadeeda uu dhakhtarku qoro la dhamaysto mudada (10-14 cisho), hadii kale bacteria du dawada waxay ka samaysataa difaac oo waxba qofka marka dambe uu qaato dawada wax u Tari mayso.
4. Sagaarka Iyo waxyaabaha kaleh sida jaadkha in qofka leh gastric iska joojiyo.

Markaa fadlan hadaad calaamadahaas ee gastric lagu yaqaano aad isku aragtid markaaba la xidhiidh dhakhtarka si lagaga baadho bacteria da taas oo dhiiga Iyo saxarada lagu arko. Iyo waxyaabaha kaleh ee gastric Keena.

Mahadsanid.
Dr.Mona Mohamed

  • Share this:

Related article